Fahad & Kutlada NISA Ee Xildhibaanada Oo Bilaabay Olole Mucaaradnimo Is-Dhaqid ku dhisan

Somalia news

In badan oo ka mid ahaa Horjoogayaashii Nidaamkii caburinta iyo cabsi gelinta ku dhisnaa ee Maamulkii Fashilmay ee Farmaajo oo lagu eedeeyay gabood falada ka dhanka ah Xuquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayaa hataan bilaabay olole is-dhaqid ku dhisan, iyagoo weydistay Wariyayaasha dhaqaalaha ay siin jireen iney Wareysiyo ka qaadaan…

Horjoogayaashaan (Fahad & Farey), ayaa xiligaan ku guda jira iney dib ula qabsadaan jawiga Siyaasadeed ee cusub (Mucaaridnimo cabsi gelin ku dhisan), maadama loo heysto Dembiyo dilal, afduub, weeraro siyaasiyiin iyo jir dilo kuwaasoo ka soo horjeeday maamulkooda fashilmay.

Warbaahinta gudaha ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku mashquulay wareysiyo ay bixiyeen Faray iyo Fahad, Eedeysanayaashaan ayaa wajahaya in baaris lagu sameeyo eedo badan oo ay geysteen, waxaase la yaab ah in muddo 5-sano ka dhuumanayeen Warbaahinta iyo baraha bulshada.

Eedeysane Fahad (Milkiile) ayaa xiligaan ku sugan Dalka Turkiga kana gatay dhismayaal dhaqaalaha uu ku dhacay Magaca Qaranka Soomaaliyeed ayaa la kulmay Fashil siyaasadeed ayaa bixiyay Wareysi lagu marin habaabinaayo Shacbiga Soomaaliyeed, si gaar ah kaalintii uu ku lahaa isku day burburinta Dowlad Goboleedyada Jubbland & Puntland, Siyaasadeynta Hey’adda FISA iyo u adeegsiga Awooda Dowladda Mucaaradka iyo tiro Muwaadiniin ah.

Halka Yasin Faray ( Darawlkii Fahad) loo dalacsiyay inuu Madax ka noqdo Nabadsugida Gobolka markii dambana loo dalacsiiyay Agaasimaha KMG ah ee NISA, wuxuuna wareysi qorsheysan siiyay Warbaahinta SMS (Somali Tv), isagoo weydistay Shacbiga Soomaaliyeed Cafis guud, wuxuuna haatan ka mid yahay Kutlada NISA ee Baarkamaanka 11-aad.

194000cookie-checkFahad & Kutlada NISA Ee Xildhibaanada Oo Bilaabay Olole Mucaaradnimo Is-Dhaqid ku dhisan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com