Wakiilada B/Caalamka Oo Wada Qorshe Cusub

Somalia news

Labadii sano Ee ugu dambeysay ayaa Xubnaha Beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho waxey wadeen dadaalo Nabadeed (Qorshe cusub) oo ay ku doonayaan inay isku soo dhoweeyaan Khilaafka gaamuray ee u dhaxeeya Maamulada Gobolada, Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka iyo Maamulka Farmaajo oo qarka u saaraan inay ku kala tagaan qabsoomida hanaanka Doorashooyinka Dalka…..

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku kala aragti duwan Hanaanka loo xalinaayo Khilaafka ka dhashay Guddiyada Doorashada ee lagu muransan yahay, Iyadoo Danjiraha USA uu la Santayana Villa Somalia, halka Wakiilada kale ay doonayaan in meel Dhexe la iskugu yimaado, Hogaanka Mucaaradka ayaa Madaxweyne Farmaajo u aqoonsaday qaswade siyaasadeed, waxayna ku baaqeen in loo turo dimuqraadiyadda curdunka ah ee hadda u soo iftiimay Shacbiga Somalia.

Xuuraan laga helnay Xafiiska QM ee Somalia, ayaa tilmaamaya in si hoose u socdaan qorshe kama dambeys ah oo la isugu keenayo Kooxda Madaxtooyada, Maamulada Gobolada iyo Midowga Musharixiinta si meesha looga saaro Khilaafka ragaadiyay doorashooyinka loona gaaro heshiis kama dambeyn ah oo wadar oggol ah.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa si isku mid ah ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda iney wax kasta oo tabanayaan miiska wada hadalka ku dhammeeyaan si loo ilaaliyo xasiloonida iyo nabadgalyada dalka.

81920cookie-checkWakiilada B/Caalamka Oo Wada Qorshe Cusub