Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaya in dagaalo hoose ay ka dhex socdaan dhinacyada isku haya Siyaasada iyo Saamiga Kuraasta Xildhibaanada ka soo jeeda Beesha 5-aad, waxaana soo shaac baxaaya in dagaalkaan uu u dhaxeeyo Farmaajo iyo Midowga Musharixiinta…
Xogtaan ayaa xaqiijisay in tiro Xildhibaano ah oo isku heystay iney Kuraastooda lama taabtaan yihiin ayaa hadda ku baraarugay ineysan heysan Kalsoonida Odayaasha Dhaqanka iyo Beelaha ay ka soo jeedaan, waxeyna weysdiisteen taageero Dhaqaale Kooxda Farmaajo sidii dib loogu soo dooran lahaa Kursiga ay ku metelaan Beesha ay ka soo jeedaan, inkastoo ay jiraan Eedo xoogan Oo Farmaajo loo jeediyay Faragelinta Uu ku hayo Kuraasta Xildhibaanada Benaadiriga.
Kuraasta muran xoogan ku jira, ayaa la sheegay iney ka mid yihiin kuwa Benaadiriga, Beesha Jareer Weyne, Beesha Yaxar iyo kuwo kale kuwaasoo degaan doorashadooda ay yihiin Dowlad Hir-Shabelle, Konfur galbeed iyo Gobolka Benadir, waxaana la sheegay in Xasan Cali Khayre uu bilaabay Olole xoogan oo uu ku soo saaraayo Xubno cusub.
Xildhibaanada Beesha Shanaad ee Hirshabeelle waxaa loo xilsaaray Cabdulaahi Goodax Barre, Isloow Ducaale, Cabdulaahi Colaad, oo xilkooda wasiirnimo ku waayey la safashada iyo iney isku koox yihiin Xasan Cali Kheyre, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Cabdifitaax Qaasim oo hadda ka tirsan xukuumadda RW Rooble balse xiriir hoose iyo wada shaqeyn la leh Xasan Cali Kheyre. Kooxdaan ah ayaa iyaga naftooda rabo iney kamid noqdaan Baarlamaanka 11 aad.