Qarax Ka Dhacay Magaalada Mogadishu & Sarkaal La La Beegsaday

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax ka dhacay Magaalada Mogadishu goor sii horeysay, iyadoo la sheegay in Sarkaal ka tirsan kuwa Boliiska Magaalada la la beegsaday..

Wararka ayaa sheegay in Qaraxaan uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay Walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay Isgoyska Benadir Ee degmada Hodan, iyadoo la sheegay in la la beegsaday Madaxa Boliiska Gobolka Benadir Farxaan Qaroole oo xiligaasi halkaas maraayay.

Wararka ayaa sheegay in Farxaan Qaroole uu ka badbaaday balse uu qaraxu uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dadka Rayidka ah, Isgoyska Benadir ayaa ah goob aad u mashquul badan.

128490cookie-checkQarax Ka Dhacay Magaalada Mogadishu & Sarkaal La La Beegsaday