Madaxtooyada & Gudoonka Baarlamaanka oo ku Heshiiyay Qodobo Muhiim ah Oo Doorashada la Xiriira

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ku heshiiyeen in isbedel lagu sameeyay Guddigga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaasna ay Madaxtooyada ay soo diyaarso 10-ka Xildhibaan ee aan weli la dooran…

Xogtaan ayaa si hoose ula wadaagtay Warsidaha Diinah.com news in Xilka Gudoomiyenimo ee Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) loo magacaabi doono Wasiiru dowlaha madaxtooyada Abshir Maxamed Bukhaari, halka Haweeneydaana loo xushay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

Dhanka kale Gudoonka Baarlamaanka ayaa oggolaaday in Madaxtooyada & Wasiirka 1-aad ay iska kaashadaan sidii loo soo dhameystiri lahaa 10-ka, waxaana ugu muhiimsan Kursigii uu Rooble ka hor istaagay Fahad Yaasiin hop#068, iyadoo lagu wado inuu soo qaato Faarax Cabdulqaadir “Sakiin” Wasiirka Waxbarashada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu todobaadkaan dib ugu soo laaban doono magaalada Mogadishu, lamana yaqaano inuu tartanka ja qeyb galaayo, kadib markii uu muddo 6-bilood ah uu ku noolaa magaalada Ankara, Kaaliyihiisii hore (Cabdinuur Maxamed) ayaa dhowaan Faarax Saakiin u magacaabay La-taliyihiisa gaarka ah waxaana loo qoray inuu mushaar dhan 17-kun US$ bishii oo ay bixineyso Wasaarada Waxbarashada.

225320cookie-checkMadaxtooyada & Gudoonka Baarlamaanka oo ku Heshiiyay Qodobo Muhiim ah Oo Doorashada la Xiriira
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com