Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Adeege Fahad Yasin iyo Horjooge Cabdullahi Kulane (Jiis-Mareexaan ayaa lagu Eedeeyay iney faragelin iyo afduub ku hayaan Doorashada laga fikaayo iney ka dhacaan Degaanada Galmudug, Hir-Shabelle iyo Konfur galbeed…
Xogta ayaa sheegeysa in Kulane uu todobaadkii tegay uu boorsooyin lacag ah geeyay Magaalada Baydhaba, kuwaasi lagu soo saaray shan kursi oo kamid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana ka mid ah Senatorada cusub Ayaan Aadan Cabdullahi qaraabo la ah Madaxweynaha Konfur galbeed. eeg lifaaqa.
Kulane Jiis ayaa waxaa la filayaa in sii joogo Baydhaba ilaa uu ka shaqeeyo soo saaritaanka xildhibaano taabacsan Madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo arrintaas kala shaqeyn doona madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen, oo ka mid ah taabiciyiinta Farmaajo.
Adeege Fahad Yasin ayaa la filayaa in sidoo kale uu tagi doono magaalooyinka Jowhar iyo Dhuusamareeb, si uu uga shaqeeyo soo saaridda xubno taabacsan Madaxweyne Farmaajo.