Ganacsade Guri U Kireeyay Musharax Oo Xabsiga La Dhigay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Afduub iyo Xarig sharci darro ah ay Xoogaga Amaanka Magaalada Baydhabo u geysteen Ganacsade Cabdisalam Iman oo ka mid ah ganacsatada Magaalada, iyadoo lagu eedeynayo inuu guri ka kireeyay Musharax Madaxweyne..

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Ganacsadahaan oo Wakiil ka ah Madaxweynihi hore ee Koonfurgalbeed Shariif Xassan ayaa guri u kireeyay, intii waan-waanta socotay ayaa la sheegay in lagu wargeliyay Xoogaga Hubeysan Ee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Konfur galbeed, kuwaasoo soo dhex galay kadibna Xiray Ganacsadaha.
.
Talaabadaan ayaa waxay imaneysa xili uu dalka galayo doorashooyinka Labada Gole Baarlamaanka Federaalka Somalia iyadoo madaxweynaha Koonfurgalbeed dhawan lagu eedeyay in uu soo dhisay Xildhibaano Aqalka Sare ah oo isaga xogo la ah lehna fikir-siyaasi u daneenaya Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

133860cookie-checkGanacsade Guri U Kireeyay Musharax Oo Xabsiga La Dhigay