Faahfaahin ayaa laga helayaa Labo kamid ah musharixiintii kuraasta aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia doorashadiisuna qabanqaabadeedu ka socotey magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqday inay ka tanaasushey tartan ay kula jirtey musharax kale…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Musharax Kowsar Cabdullaahi Xirsi, oo kamid ahayd Liiska musharixiintii ku soo baxay aqalka sare ee ka imaanaya Puntland ayaa shaacisay inay u tanaasushey Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay deegaamada Puntland, halka Maxamed Ibraahim Geeddi uu u tanaasuley wasiirka dekedaha Puntland Majiino.
Musharax Xildhibaan Aqalka sare Kowsar Cabdullaahi Xirsi, ayaa waxa ay sheegtay inay wixii hadda ka dambeeya u tanaasushey Musharax xildhibaan aqalka sare Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayna codka u waydiinayso golaha wakiilada Puntland.