Farmaajo Oo Dalbaday In Khilaafka Rooble La Dhameeyo

Somalia news

Waxaa in muddo ah soo jiitamaayay Khilaaf u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble kaasoo salka ku haya Mas’uuliyiinta Hogaanka u heysa NISA, (Fahad iyo Jiis-Mareexaan) oo Farmaajo aad u dhacsan yahay Sida ay ula macaamilaan Muwaadiniinta Mucaaradka ku ah Maamulka Fashilmay…

Prof.Kabire oo khabiir ku ah Siyaasada Arrimaha gudaha ay sheegay “ Farmaajo xiligaan uma wanaagsan inuu dagaal siyaasadeed la galo Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil Gaarsiinta, maadama ay ka dhaceen awoodihii Dastuuriga ahaa isla markaasna uusan isku xirin difaaca Eedeysanyaasha dembiyada ka galay Shacbiga, halka Rooble xiligaan uusan faa’iideysanaaya ugu jirin Khilaaf Siyaasadeed u la galo Farmaajo iyo kooxdiisa, maadama ay hortaalo howlo Doorasho iyo Amni sugid.

Difaaca Farmaajo Ee Labada shaqsi ayaa horseeday in Mr.Rooble uu xafiiskiisa ku qaabilo Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir iyo Madaxweynayaashii Hore (Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh), waxaa xigay in Farmaajo uu taageeyaashiisa CBB ku amro in dacaayado iyo warar been abuur ah laga fidiyo Wasiirka 1-aad.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in Farmaajo uu yaqiinaaday inuusan dagaal siyaasadeedkaan faa’iido ugu jirin, wuxuuna weydistay Cabdi Qeybdiid iyo Qorqor iney soo dhex galaan oo heshiis Dhac dhigaan isaga iyo Rooble, iyadoo la sheegay in Ra’iisalwasaaraha uu ku adkeystay in marka Hore Xilalka laga qaado Adeege Fahad Yasin iyo Jiis Mareexaan isla markaasna uu joojiyo fara gelinta uu ku hayo Howlaha Doorashada iyo Amniga.

134390cookie-checkFarmaajo Oo Dalbaday In Khilaafka Rooble La Dhameeyo