Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saaray xeer adkeynaaya Doorashada Musharixiinta u tartameysa Senatornimada Ee Aqalka Sare kaasoo lagu wado in maanta la qabto Sida qorshuhi yahay..
Hab-raac ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka ayaa loogu sheegay Musharixiinta u tartamaaya Senatornimada in hadii ay dhacdo in musharax uu tanaasulo Musharaxa soo haray lagu dooran doono cod qarsoodi ah oo hal dheeri ah (50+1), aysan jiri doonin cod gacan taag ah.
Hadii uu heli waayo cododka xildhibaanada ibta badan Waxaa dib loogu celin doonaa Madaxweynaha Galmudug si u Musharax kale u soo magacaabo,, iyadoo Warar qaarkood ay sheegayaan in Xildhibaanada ay aad u saluugeen Qaabka uu u soo xulay Musharixiinta Senatorada u taagan Madaxweynaha Galmudug Mr.Qorqor.