Musharax Loogu Reebay Doorasho Sababo La Xiriira Dhaqaale Somalia Looga Soo Diray

Somalia news

Xisbiga Liberal-ka Australia ee talada dalkaasi hogaamiya ayaa la sheegay in Musharaxad ka soo jeeda Somalia ka hor istaageen iney u tartanto kursi Xildhibaan oo laga soo doorto Xaafad (Chisholm) ay Soomaalida iyo Ajaaniibta ay ku badan yihiin kuna taal Magaalada Melbourne…

Gabadhaan oo lagu magacaabo Sahra Mustafa oo Soomali ah, isla markaasna uu adeer u yahay Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Villa Somalia Mr.Xasan Macallin Khaliif oo saxiibo dhow la ah Adeege Fahad Yasin ayaa dhowr jeer (2) dhaqaale u diray si ugu taageero caruurteeda Sida ay sheegtay, waxaana la sheegay in Maamulka Xisbiga ay ka hor istaageen iney u tartanto Kursigaasi kadib markii ay dhaqaale taageero ah ka heshay Adeerkeed.

Somalia oo xiligaan la daala dhaceysa dhex Dana kaga jirta Qalalaase Doorasho iyo mid amni oo dib u dhac weyn ku keenay Hanaanka Doorashada dadban, iyadoo qorshuhu ahaa in la qabto 2020/21, wuxuuna xiligaan u muuqdaa in Sanadka 2022 uu gaari doono Doorashada kadib markii Maamulada qaarkood ay ka caga jiidayaan iney wakhtiga ixtiraamaan.

134590cookie-checkMusharax Loogu Reebay Doorasho Sababo La Xiriira Dhaqaale Somalia Looga Soo Diray