Kenya oo u Oggolaatay Kooxda Farmaajo iney Xarumo ja Furtaan Magaalada Nairobi..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa oggolaado hoose oo ay Dowlada Kenya siisay in Xarumo Siyaasadeed ay kooxda Farmaajo ka furtaan Xaafada Karen ee Magaalada Nairobi, iyadoo Kooxdaani ay horey kiro ahaan u daganeyd dhisme uu iska lahaa Ganacsade Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye) oo ka soo jeeda Degaanada Puntland…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in dhismihii Eng.Jabiye uu sidiisii ahaan doono, Balse Dhismaha cusub oo lagu iibiyay 1,7-Million US$ ayaa ka kooban 7-Qol iyo barxad balaaran oo Shirarka lagu qaban karo, waxaana maamulka, xiriirinta iyo adeega guriga u xil saaran Fowsiya Sulaan Xaaji Cali Baale oo xiriir dhow la leh Farmaajo iyo Fahad, waxaana Abaabulka howsha si hoose u wada Cabduraxmaan Dheere.

Waxaa Hoygaan xiligaan lagu qabtaa kulamo hoose iyo casumaado, iyadoo wixii ka dambeeya Bisha Oktoobar la qorsheeyay in Fahad iyo Farmaajo midkood u soo guuro, gurigaan noqon doono Xarun-Siyaasada iyo kicinta laga abaabulo, Qorshahaan ayaa la sheegay in oggolaasha Dowladda Ruto uu kasoo dhameeyay Qareen Axmed Aadan (Axmed Dheere) oo Beesha Mareexaan kasoo jeeda isla markaasna Maamuka Hantida Farmaajo iyo Fahad ay ka dhaceen Deeqdii Lacageed ee Qatar ugu talo gashay Somalia.

Magaalada Nairobi oo u muuqata iney noqon doonto xarun siyaasadeedka Kooxda Nabar iyo Naxli, iyadoo Qorshahooda ugu horeeya uu noqon doono sidii ay Dowladda Kenya culeys ugu saari lahaayeen iney gacan jasiiyaan sidii ay u qabsan lahaayeen Hogaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland kadibna dib ula wareegi kahaayeen Hogaanka Dalka.

276130cookie-checkKenya oo u Oggolaatay Kooxda Farmaajo iney Xarumo ja Furtaan Magaalada Nairobi..