Qarax Miino Oo Ka Dhacay Degmada Hodan

Somalia news

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodon, agagaarka Trebuunka meel u dhow madaxtoyadii C/qaasim….

Qaraxan miinada ayaa wuxuu ka dhacay Wadada horumarta Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Degmada Hodan, waxaana jira Khasaare dad rayid ka soo gaaray qaraxaasi.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa Dhacdo.com u xaqiijiyay Qaraxaasi inay ku dhinteen laba ruux oo saarnaa Mooto Bajaaj, kuwaasi oo maraayay goobta ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay jiraan dhaawacyo ka dhashay qaraxaasi oo gaaraya illaa laba ruux sida Saraakiisha Booliska ay ku waramayaan.

Lama oga cida lala damacsanaa qaraxaasi, balse goobta Qaraxa uu ka dhacay dhawr mar oo hore sidan oo kale waxaa uga dhacay Qaraxyo miino oo Al Shabaab ay ka dambeeyeen.

42500cookie-checkQarax Miino Oo Ka Dhacay Degmada Hodan