Qatar Oo Dacwad Ka Gudbisay Dowladda Eritrea

World

Sida lagu daabacay Wargeyska Bloomberg, Bankiga Dhexe ee Qatar (QNB) ayaa maxkamad ku taalla magaalada Washington DC weydiistay inay amarto dowladda Eritrea inay bixiso lacag deyn ah oo gaareysa 300 oo Millions US$ kadib markii Asmara ay diiday inay ka jawaabto laba dacwad oo horey…

Dowladda Eritrea ayaa 200 oo Millions US$ ka amaahatay QNB oo ah Bankiga ugu weyn Bariga Dhexe ee deynta bixiya, sanadihii 2009 iyo 2010, waxayna soo celisay 45 milyan oo kaliya bishii May 2012.

Qareenada QNB ayaa kadib dacwad ka furtay dalka UK sanadkii 2018, sida ku cad heshiiska. Garsoore ku sugan UK ayaa amray in Eritrea ay bixiso 253 milyan, oo ay ku jirto dulsaar, hase yeeshee Eritrea ayaa joojisay inay u jawaabto qareenada, sida warbixinta lagu sheegay.

https://www.bloomberg.com/news/articles/2021-08-10/qatar-bank-asks-u-s-court-to-enforce-eritrea-debt-ruling

134900cookie-checkQatar Oo Dacwad Ka Gudbisay Dowladda Eritrea