Rooble Oo Nairobi Ku Qaabilay Gudoomiyaha Ururka ONLF

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ayaa sheegaya Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Ururka ONLF C/raxmaan Maxamed Sheekh Mahdi Maadeey. Guddoomiyaha ayaa booqasho sharafeed ugu yimid Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo iska wareystay xaaladdaha siyaasadeed ee Gobolka…

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa sanadkii 2017 Ururka ONLF ku dartay liiska Argagixisada, markii ay C/kariin Qalba Dhagax u gacan gelisay dowladda Ethiopia, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu raalli gelin siiyay Guddoomiyihii hore ONLF mar uu booqasho ku tagay dalka Eritrea, haddana ma jirin raalli gelin rasmi ah oo dowladdiisa ka bixisay bahdilkaasi.

134870cookie-checkRooble Oo Nairobi Ku Qaabilay Gudoomiyaha Ururka ONLF