Markab Laga Leeyahay Turkiga Oo Lagu Weeraray Xeebaha Mogadishu

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha magaalada Muqdisho, sida uu Jimcihii sheegay Ururka Ganacsiga Badaha UK ee loo soo gabaabiyo UKMTO….

Weerarka oo la rumeysan yahay inay fuliyeen kooxaha buracda badeedda Somalia ayaa abaare 7:45 am Jimcihii, wuxuu ka dhacay meel 100-mile ka baxsan xeebta Muqdisho, Markabka ayaa lagu warramayaa inuu weerarka ka baxsaday, islamarkaana shaqaalaha iyo markabkuba ay hadda bad qabaan.

Kooxda qiimeysa halista badaha ee EOS Risk Group ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in markabka oo sita calanka Turkey laga leeyahay gobolka Anatolia ee dalkaas. Si kastaba, Turkiga weli wax war ah kama aysan soo saarin dhacdadaan.

Inkasta oo dhacdooyinka burcad badeenimo ee xeebaha Soomaaliya ay aad u yaraadeen sanadihii tagay, haddana waxaa jira weeraro si naadir ah mararka qaar u dhaca. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dhaca tan iyo bishii April ee 2019.

134930cookie-checkMarkab Laga Leeyahay Turkiga Oo Lagu Weeraray Xeebaha Mogadishu