Boliiska Turkiga Oo Qabtay Horgalkii ugu Khatarsanaa Burcada Daroogada ka Ganacsata ee Europe..

World

Wararka laga helaayo magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka iyo ka hortaga iyo xakameynta Mandooriyayaasha Dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Horgalafa ugu waaweyn caalamka ee ka ganacsada noocyada daroogada iyo Hubka kaasoo muddo dheer lagu raadjoogay…

Wararka ayaa sheegaya in Dritan Rexhepi oo ah 44 sano jir u dhashay Dalka Albania oo muddo dheer lagu raad joogay isla markaasna qabasho Caalami ah Madaxiisa saareen Boliiska Aduunka (Interpol), iyadoo la sheegay in Ninkaan inuu dhawaan Dalka Turkiga ku soo galay Baasaboor Kolombiyaan ah.

Wararka ayaa sheegay in Boliiska Turkiga ayaa xogta ninkan ka helay Sirdoonka Talyaaniga oo baadi goobayey ninkan oo loo heysto Dembiyada Ganacsiga Daroogada, Dilal, Afduub iyo ka Ganacsiga hubka, ayaa ah madaxa kooxda loo yaqaan (Kompanio Bello) oo awood badan ku leh suuqyada Daroogada ee Dalalka Yurub iyo Konfurta Ameerika, wuxuuna horey uga baxsaday xabsiyo ku yaal dalalka Beljimka iyo Italy.

287030cookie-checkBoliiska Turkiga Oo Qabtay Horgalkii ugu Khatarsanaa Burcada Daroogada ka Ganacsata ee Europe..