Dad Rayid ah Oo Lagu Laayay Degaan Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya weerar ay Dabley hubaysan xalay dad rayid ah ku dileen isla markaasna ay Qaar kale ku dhaawacmeen degaanka BACDA oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, sida laga soo xigtay Goob-joogayaal…

Weerarka waxa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen laba qof oo kala ah Nin iyo Haweeney, islamarkaana ku dhaawacmeen afar ruux oo kale, Labada marxuum ayaa magacyadooda lagu sheegay Gallad Xasan Siyaad iyo Raxma Xiirey, waxaana dilkooda lala xiriiriyay xiisad aanooyin qabiil oo ka jirta degaankaas.

Kooxdii Hubeysaneyd ee weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo ilaa iyo haatan aysan dilkan ka hadlin mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Amniga Gobolka Hiiraan.

135590cookie-checkDad Rayid ah Oo Lagu Laayay Degaan Ka Tirsan Gobolka Hiiraan