YAA HUBIYA TAYADA BUUGAGTA DUGSIYADA WAXBARASHADA DALKA, MEEDAY WASAARADII WAXBARASHADA FEDERAALKA..

Somalia news

Toddobaadkii hore waxaa soo ifbaxday in khariidad ku sawiran buug loogu talagalay Ardayda Dugsiyada Puntland ayna dhiiri gelineyso aragtida Isku Galmoodka Ragga, Aflagadeynta Diinta iyo goosasho-doonka, Khariidad Maamulka Hargeysa isticmaalo si uu ugu doodo in Somaliland dal go’ay tahay bay ardaydu akhrisanayeen ugu yaraan labo sanad-dugsiyeed, La yaab ma ahaan lahayd haddii buugga loogu talagali lahaa dugsiyo ku yaalla meelaha maamulka Somaliland ka taliyo si carruurta loogu ababiyo in Somalia kala go’day…

Aaway Kaalintii Wasaarada Waxbarashada

Hogaanka Wasaarada Waxbarashada Federaalka Maamulka Villa Somalia oo lagu eedeeyay inuu Macaash doon ku mashquulay kana gaabiyay Xilka loo igmaday inuu la socdo Manaahijta Waxbarashada Dalka, Xafiiskii Manaahinta Dowladii Militeriga wuxuu lahaa guddiyo xirfadlayaal ah oo oo ku xeeldheer maddooyinka ardayda la barayo, Shaqadoodu waxay ahayd inay hubiyaan waxa buugagga lagu soo qorayo. Fiiro gaar ah waxaa loo lalaa maddooyinka cilmiga bulshada sida Taariikhda iyo Juqraafiga. Malaha Wasaarada Waxbarashada Federaalka iyo Maamulada Gobolada sida muuqata midna guddi u qaaabilsan manaahijta oo hubiya waxa lagu qorayo buugagga Ardaydu wax ka baran doonaan.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Maamulka Dugsiyada Waxbarashada ee Shabakadda Abaarso NETWORK oo ay qayb ka yihiin Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo oo lagu eedeeyay iney faafiyaan Dhaqamada xun-xun ee isku galmoodka Ragfa-Raga iyi Haweenka-Haweenka, Taageerayaasha Shisheeye ee goosasho-doonku waxay ilduufka xilkasnimo-darrada ah ee Puntland u arkeen fursad ay ku soo bandhigaan doodda ah: “Puntland ayaaba oggol xudduudihii gumeysigu ka tagay oo waliba u dhigta ardaydooda.” Immisa buug oo noocaas oo kale ayaa ka mid ah manhajka Puntland, Maxaa dib u eegis loogu sameyn waayay Manaahijta Dugsiyada Konfurta oo qaarkood Ardayda lagu baro Manaahij ay soo diyaariyeen Kooxda Argagixiaada Shababka.

Buugga Barashada Ingiriiska fasalka 6-aad ee Dugsiyada Maamulka Somaliland waxaa ku jira Daanyeer loo bixiyay Maxamed

Maamulka Somaliland ayaa wuxuu soo saaray buugag meel ka dhac ku ah Sharafka iyo Qiyaamka Diinta, sida dad badan ay qabaan, Buugga af Ingiriiska ee fasalka lixaad ee Dugsiga hoose cutubka seddexaad (“Good and Bad”) waxaa ku jira daanyeer loo bixiyay Maxamed, ”Do you remember Mohamed? Mohamed is a monkey.” ( Miyaad xusuusataaa Maxamed? Maxamed waa daanyeer) ayaa ku qoran casharka, Dalalka Dadku diinta Masiixiga haystaan ma dhici karto in daanyeer loo bixiyo Jesus “Nabi Ciise”. Waxaa la dhowrayaa dareenka dadka diintaas aamminsan.

Maamulka Federaalka, Somaliland, sida Puntland, ma laha guddi hubiya in la dhowro anshaxa buug daabicista gaar ahaan buugag loogu talagalay carruur, Ma aha arrin Soomaalidu dhayalsan karto in manaahijta dugsiyadu noqdaan mashruuc hay’do samafal ah iyo shirkado gaar loo leeyahay oo aan lala xisaabtami karin soo diyaariyaan, Hogaanka Wasaarada Waxbarashada Federaalkana ku Mashquulay Aduun iyo Macaash raadis.

278790cookie-checkYAA HUBIYA TAYADA BUUGAGTA DUGSIYADA WAXBARASHADA DALKA, MEEDAY WASAARADII WAXBARASHADA FEDERAALKA..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com