Maareeyihii Hore Ee Dekada Kismaayo Oo Toogasho Lagu Dilay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Maareeyihii hore ee Dekada Kismaayo Marxuum Cawil Cali Barre (Cawil Buluq)….

Wararka hordhaca ayaa sheegay in Marxuum Cawil Buluq inay haleeshay rasaas ay is weydaarsadeen ciidamo ka wada tirsan Maamulka Dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana sidoo kale is-rasaaseyntaasi ku dhaawacmay laba qof oo kale.

Falkaan ayaan faahfaahin badan laga bixin, war kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland lagu sheegay inuu ku geeriyooday rasaas ka dhacday Bar Koontarool oo u dhow Gurigiisa, ayna baaritaan ku hayaan hay’adaha Amniga.

89480cookie-checkMaareeyihii Hore Ee Dekada Kismaayo Oo Toogasho Lagu Dilay