Hogaanka NISA Oo Hortaagan Anxisinta Sharci- La Dirirka Argagixisada

Somalia news

Hey’adda NISA oo dhidibada loo taagay sanadkii 1972, kadib markii la isku biiriyay Hey’adihii Wardoonka Ciidamada iyo Kuwa Boliiska (Special Branch) iyo Laanta Socdaalka, kadib markii Hogaankii Kacaanka Ciidamada ay dib u habeyn ku sameeyeen Hey’adaha Amaanka Dalka…

Maamuladii dalkaan isaga dambeeyay Taliskii Ciidamada kadib, waxeyn soo wadeen barnaamijyo dib loogu habeynaayo Hey’adda NISA, inkastoo dadaaladaasi hadba heer soo maray hadana Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Ayaa Hogaanka Sirdoonka ku aaminay Shaqsi laba kaarle ah Oo xiriiro la leh Sirdoonka Dooxa iyo Kooxaha argagixisada Shababka.

Xukuumadii Xasan Cali Kheyre ayaa 28-kii September 2017, waxey Golaha Baarlamaanka u gudbisay hindise-sharciyeedka la dagaalanka Kooxaha argagixisada, iyadoo ilaa wakhtigaasi uu horyaalo Xafiisyada Gudoonka Baarlamaanka, waxaana la sheegay in Hogaanka NISA oo Kaashanaaya Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Mr Muudey ay hor istaageen in la horgeeyo Xildhibaanada.

Waxaa kaloo la sheegay in Caqabadaha ugu weyn ay tahay in Wasaarada Amniga aysan diyaarin asaasida Hey’adda NISA, isla markaasna loo gudbiyo Golaha Baarlamaanka si loo ansixiyo, iyadoo marka hore loo baahan yahay in isku dhex milinka Hey’adda iyo Kooxaha argagixisada la kala saaro.

Sharciga la dagaalanka Argagixisada ayaa ka kooban 37-qodob wuxuuna qeexaaya qaabka loo wajahaayo la dagaalanka Kooxaha argagixisada, ciqaabta uu muteysan karo cidda taageerada u fidisa iyo Habka Maxkamadeynta.

70120cookie-checkHogaanka NISA Oo Hortaagan Anxisinta Sharci- La Dirirka Argagixisada