Guudlaawe Oo Laga Codsaday inuu Soo Saaro Liiska Musharixiinta

Somalia news

Guddiga maamulka doorashooyinka heer dowlad goboleed Hirshabeelle ayaa qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen kaga dalbaday inuu soo gudbiyo liiska Musharaxiinta golaha Aqalka sare…

Dalabka ka soo baxay Guddigaan ayaa yimid waxyar kadib markii uu soo baxay jadwalka doorashada Golaha Shacabka kaasoo sidoo kale ay ku qorneyd in la dhamaystiro qabashada doorashada Aqalka Sare illaa 18ka bishan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa laga sugayaa inuu soo saaro liiska musharaxiinta Aqalka Sare xilli ay caasimada Hirshabelle ay haatan ku sugan yihiin inta badan Maamulka Hirshabelle iyo musharaxiin dooneyso inay liiska ku soo baxaan.

Si kasta ha ahaatee waxaa magaalada Jowhar hareeyay amni daro ka dhalatay weeraro hoobiyo iyo bambo gacmeed lagu qaaday magaalada waxaana weeraradaas mid ka mid ah ku dhaawacmay saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle.

138950cookie-checkGuudlaawe Oo Laga Codsaday inuu Soo Saaro Liiska Musharixiinta