Dadka loo haysto Dacwadaha qowmu-luudka oo kusoo badanaya Degaanada Somaliland

Somalia news

Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hadlay dad loo haysto eedaymo la xiriirinaayo qowmu-luudnimada, kuwaasi oo qaar kood la xukumay, iyadoo warbixin Saraakiisha Boliiska usoo gudbiyay tira koob khusaysa eedaha la xiriira anshax xumada…

Xildhibaan Maxamed Sh. Cabdiraxmaan, oo ah Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Nabadgalyada, ayaa golaha ka hor akhriyay warbixintaan, wuxuuna xusay “Tirada dadka qowmu-luudka ah ee gacanta lagu hayay 28 ayay ahaayeen bishii ugu dambaysay ee sannadkii hore, inta maxkamad la geeyay waa 12, inta baaris lagu wadaa waa 16, inta gar sugayaasha ahi waa 8, tirada la xukumay waa 4 qof oo min 8 sanno lagu xukumay” ayuu sheegay Cabdiraxmaan.

Bulshada Somaliland ayaa fagaarayaasha si wayn ugu falanqaynaysay arrimaha qowmu-luudka baryahan dambe, iyadoo Culimadu ay sheegeen iney tahay dhaqan cusub oo bulshada qaarkood dibadaha kasoo waarideen, isla markaana loo bahanyahay in wax laga qabto.

Hadiiba Hargeysa oo ka furan Dugsi lagu xanto iney Milkiilayaasha maalgeliyay ay kooxdaasi ka tirsan yihiin maxaad u maleyneysaa Caasimada oo Xildhibaano & Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan lagu sheego iney ku jiraan xubno Qowmu-luudh isla markaasna aan la sheegin karin in la faafiyo Warbixinta la xiriirta kooxdaan.

246180cookie-checkDadka loo haysto Dacwadaha qowmu-luudka oo kusoo badanaya Degaanada Somaliland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com