NISA Oo Diyaarisay Warar Marin-habaabin ah Oo La Xiriirta Kiiska Ikraan Tahliil

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in Kadib markii uu Mr.Rooble u qabtay 48-saac in Hogaanka NISA uu ku soo saaro Warbixino la xiriira Kiiska, ayaa la sheegay in la diyaariyay Warbixino marin habaabino ah oo la doonaayo in Kiiska loo saariyo Wiil Saaxiib la ahaa Ikraan Tahliil..

Macluumaadkaan hordhaca ah ayaa muujinaaya in la diyaariyay qorshe warbixino marin-habaabin ah oo Hogaanka (Fahad & Jiis-Mareexaan) NISA oo ay ku doonayaan iney Kiiska Dusha u saaraan Wiil Saaxiib la ahaa Ikraan Tahliil kaasoo ay sheegi doonaan inuu afduubtay geeyayna degaanka Suuqa Xoolaha (Mogadishu).

Ujeedada ka dambeysa Warbixintaan ayaa ah in wakhtiga lagu lumiyo Warar marin habaabin ah, si Xiisada loo qaboojiyo isla markaasna Xubno Xildhibaano ah oo ka Wakiil ah Villa Somalia iyo Hogaanka NISA ay wada hadal ula furaan Odayaasha Dhaqanka iyo Ehelada Ikraan Tahliil si ay mag (Dhaqaale) u qaataan kiiskana loo xiro.

Dhanka Kale, Warar ayaa sheegaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Konfur galbeed iyo Hir-Shabelle ay wadaan dadaalo ay culeysyo ku saarayaan Mr.Rooble inuu Kiiskaan ku dhameeyo heshiis hoose, sidoo kale Xogtaan ayaa xaqiijisay tiro Wadaado Al-Ictisaam ah oo Uu Hormuud u yahay Sheekh Bashiir Salaad ay ka mid yihiin kuwa difaacaya Eedeysanayaasha Fahad Yasin iyo Jiis-Mariixaan.

Adeege Fahad ayaa u baxsaday Dalka Qatar, waxaana la sheegay inuu u gudbay Magaalada Islamabaad ee Dalka Pakistan, isagoo halkaasi kula kulmay Agaasimaha Sirdoonka Pakistan (ISI) Lieutenant General Fa’id Hameed, waxaana ku wehliyay Kulankaasi Danjiraha Somalia ee Pakistan.

138990cookie-checkNISA Oo Diyaarisay Warar Marin-habaabin ah Oo La Xiriirta Kiiska Ikraan Tahliil

1 thought on “NISA Oo Diyaarisay Warar Marin-habaabin ah Oo La Xiriirta Kiiska Ikraan Tahliil

  1. Kiiska Gadhabaan muddo 70-maalmod ayuu jiitamayaa Waaliidka Jawaab car ayeey uga baahan yihiin in laga siiyo Xaalada Kiiska, Dhagarqabayaashana Cadaalada la hor geeyo.

Comments are closed.