Xagee ku Dambeeyay Xog-wareysigii Xeer Ilaalinta Ee Wasiirka Batroolka..

Somalia news

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa is-weydiinaya halka uu ku dambeeyay Xogta xaal-wareysigii Wasiirka Batroolka Mr.Cabdirashiid Axmed ee Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka kuna saabsaneyd Heshiiskii sharci darrada aheyd ee la la galay Shirkadda Coastline Ltd…

Inkastoo nidaamkii ay Xafiiska Xeer ilaalinta u mareen aheyd mid la shaaciyay hadana Shacbiga Soomaaliyeed la lama wadaagin jawaabta ka soo baxday wareysigaasi iyo inuu qabsoomay kulankaasi intaba:-

Kulankaan oo la filayay inuu dhaco 25kii Abriil 2022-ka, Xeer Ilaalintu ma soo saarin war saxaafadeed ku saabsan qabsoomidda ama qabsoomid la’aanta kulanka, waxaana jira Shaki badan oo ku gedaaman in Wasiirka Batroolku dhegaha ka fureystay u yeerista kaga timid xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo sidoo kale uu jira tuhun ah in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble codsaday in waraysiga Wasiirka dib loo dhigo si dowladda cusub ee imanaysa ay ula wareegto galka baarista heshiiska sharci-darrada ah oo Ra’iisal Wasaaruhu ku gacan-sayray laakiin u oggolaaday Wasiirka inuu shaqadiisa sii wato.

Dhanka kale, Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed ayaa la kulmay Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, isagoo uga xogwarramaya heshiiska sharci-darrada uu oggolaaday Madaxweynaha Muddo xikeedkiisu dhamaaday, Sharciga maamulka dowladda ayaa dhigaya in shaqada laga joojiyo mas’uulka xilkasnimo-darro lagu helo ka hor inta aan baaritaan rasmi ah lagu samaynin qofka xilka haya.

186380cookie-checkXagee ku Dambeeyay Xog-wareysigii Xeer Ilaalinta Ee Wasiirka Batroolka..