Falka Farmaajo Oo Muujiyay Fashil Dowladnimo & Fowdo Siyaasadeed

Somalia news

48-saac ee u dambeeyay ayaa Hanaanka Dowladeed Ee Curdanka ah wuxuu cagaha la galay Qalalaase Siyaasadeed iyo rajo beel horseeday in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ku dhiirado difaaca adeegihiisa iyo inuu Dalka u horseedo fashil iyo fawdo siyaasadeed.

Falka shaqo ku celinta Farmaajo ee Adeege Fahad Ee Hogaanka NISA ayaa Xaaladii xumeyd uga sii dartay xilli ay taagan tahay Fadeexad ka dhalatay Sarkaalad ( Muwaadin) ka tirsaneyd Hey’adda NISA taasoo raq iyo Ruuxba lagu waayay, iyadoo Waalidka iyo Shacbiga ay doonayaan in xaqiiqda ku xeeran kiiskaan laga gungaaro cod dheerna muddo 70-maalmood ah ku dalbanaayay Caddeymo iyo Cadaalad.

Inkastoo Farmaajo iyo Fahad ay ogolaanayaan xil-ka-qaadista, Farmaajana uu Xalay la kulmay Agaasimaha Cusub ee KMG ah (Bashiir Goobe) wuxuuna ka codsaday in la sameeyo gudi baaris si Kiiska ku u dheeraado, waxaana la xaqiijiyay in Macluumaadkii Kiiskaan iyo Guud ahaan Date-base-kii Hey’adda NISA la burburiyay, iyadoo Falkaasi uu hormuud ka ahaa Horjooge Cabdullaahi Kulane (Jiis-mareexaan).

Cabsida iyo welwelka Qalalaasahaan ku xeeran Ayaa muujinayaa In Farmaajo iyo Fahad ay qorsheeyeen iney Kiiskaan looga faa’iideysto mudadana lagu dheereysto, si heshiis hoose loo la gaaro Mr.Rooble isla markaasna Taageerayaal badan ay Xildhibaano u noqdaan, Kiiska Ikraan Tahliil lagu dhameeyo Heshiis iyo iney Ehelada qaataan Mag.

139390cookie-checkFalka Farmaajo Oo Muujiyay Fashil Dowladnimo & Fowdo Siyaasadeed