Faahfaahino kasoo baxaya Warax lagu Weeraray guri uu Degenaa Sargaal Ciidan 

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo lagu xiray guri uu Magaalada Kismaayo ka degenaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Amaanka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyadoo la sheegaayo in khasaare u badan Dhaawac uu ka soo gaaray Ehelada Sarkaalka…

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa lagu xiray guri ku yaal Xaafada Kibooro ee magaalada Kismaayo, waxaana guriga qaraxa lagu xiray xilligaasi ku sugnaa qoyska sargaalka katirsan ciidamada Jubbaland, Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad u sugnaa guriga lagu xiray.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo badanaya qaraxyada lagu xiro guryaha ay degan yihiin Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland, waxaana qaraxaan oo kale oo Magaalada Kismayo ka dhacay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

195610cookie-checkFaahfaahino kasoo baxaya Warax lagu Weeraray guri uu Degenaa Sargaal Ciidan 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com