Ma Dhabaa in loo Balanqaaday Lafta gareen Dhaqaale hadii si Nabad uga Dego Xilka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Villa Somalia, kaasoo diirada lagu saaray xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay magaalada Baydhabo, kadib markii maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynaha Muddada ka dhamaatay ay weerareen Hoyga Mr.Fargeeto…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Kulankaasi ay gooni gooni ula yeesheen Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xubno ka tirsan Garabyada Mucaaradka ku ah Mr.Lafta gareen, iyadoo cabasho xoogan ay ka muujiyeen Weerarka khasaaraha geystay.

Xubnaha Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa taageero weydistay sidii si Nabad ah looga saari lahaa Xafiiska (Lafta gareen) maadama uu wakhtiga ka dhacay, iyagoo ku adkeystay iney doorasho ay dhacdo ay muhiim ah isla markaasna culeys lagu saaro Madaxweynaha Konfur galbeed inuu qaato heshiis la mid ah kii lagu saaray Shariif Sakiin.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in la dejiyay Qorshe Dhaqaale dhan 3-million US$ ay la siinaayo Mr.Lafta gareen si uu uga dego Xilka si nabad ah, sidoo kale waxaa socda qorshe 2-aad oo hadii uu fuli waayo kan hore in la adeegsado Ciidamada Ethiopia, iyadoo xalinta qalalaasahaan uu bud-dhig u yahay in la buburiyo si nabad ah muddo kordhinta Maamulada Gobolada.

233050cookie-checkMa Dhabaa in loo Balanqaaday Lafta gareen Dhaqaale hadii si Nabad uga Dego Xilka..