Ma Dhabaa In Ciidamada Amisom Ay La Wareegeen Amniga Rooble

Somalia news

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in shalay cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa xoojin ahaan loo geeyay Hoyga iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, kadib markii Ilaalada Madaxtooyada iyo Ciidamo NISA ka tirsan ay ku dhowaadeen Xeyndaabka Xarunta Dowladda…

Xogtaan ayaa sheegtay in Guriga Mr.Rooble lagu wareejiyey Gaadiidka dagaalka ee Amisom, waxaa sidoo kale la xayiray dhamaan dhaqaaqa iyo socodka xeyndaabka Guriga iyadoo la dhigay Ciidan dheeraad ahna la geeyey irdaha laga soo galo guriga Ra’iisul wasaaraha.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada Amisom ay qabteen shalay Tiro Ciidamo isugu jira kuwa Madaxtooyada iyo NISA oo hubeysan hub ka dhigisna lagu sameeyay, iyadoo lagu wargeliyay Saraakiisha Ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa NISA in talaabo laga qaadi doono hadii ay ku xadgudbaan xeyndaabka Guriga iyo Xafiiska Rooble.

Dhanka kalena, waxaa shalay galab Magaalada Muqdisho gaarey Fahad Yaasiin oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar gaar ah ugu maqnaa magaalooyin katirsan Dalalka Qatar, Pakistan iyo Turkiga, isagoo Magaalada Istanbul kula kulmay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Iran.

139460cookie-checkMa Dhabaa In Ciidamada Amisom Ay La Wareegeen Amniga Rooble