Ilo Wareedyo Loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Ergo ka socota Dowladda Dooxa ay safar qarsoodi ah ku joogaan Magaalada Hargeysa waxeyna kulamo la leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Muuse Biixi…
Xogtaan ayaa xaqiijisay in Ergadaan Qatar ka socota la dejiyay Hoteelka Mansoor ee Magaalada Hargeysa, iyadoo Dowladda Qatar xiligaan ku howlan Tahay sidii ay xiriir iskaashi ula yeelan laheyd Maamulka Muuse Biixi kadib markii uu ku fashilantay taageerada ay u muujusay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.
Ergadaan ayaa la sheegay iney ku howlan yihiin sidii heshiisyo dhinacyo badan ula gaari lahaayeen Maamulka Muuse Biixi, waxaana lagu wadaa iney casumaad u fidiyaan Saraakiisha Maamulka Hargeysa iney safaro shaqo ku tagaan Magaalada Dooxa.
Si kastaba ha-ahaatee Maamulka Muuse Biixi ayaa u muuqata mid gacan saar siyaasadeed iyo iskaashi la yeellaynaysa Dalka Qadar, maddaama oo aanay muddooyinkii dambe aanu fiicnayn xiriirka imaraadka Carabta iyo Somaliland.