Ethiopia Oo Xireysa Dhismaha Safaaradeeda Dalka Egypt

Somalia news

Danjiraha Dowladda Ethiopia u fadhiya Dalka Egypt Mr.Markos Tekee Rike, ayaa shaaca ka qaaday Safaarada Ethiopia ay ku keedahay Magaalada Qaahira ay joojin doonto shaqadeeda adeega bulshada bisha soo socoto, iyadoo 3-6 bilood ay xirnaan doonto…

Danjiraha ayaa sheegay in sababo dhaqaale awgeed loo xiraayo Safaarada, wuxuu xusay in talaabadaani aysan wax xiriir ah la laheyn xiisada ka dhex oogan seddaxda Dal ee biya-xireenka Gerd (Ethiopia, Egypt iyo Sudan), Sida lagu daabacay Webside-ka Safaarada Ethiopia.

Mr.Rike ayaa sheegay inta mudadaasi laga gaaraayo ay shaqada safaarada ay u socon doonto si ku meel gaar ah, iyadoo dhowaan ay Dowladda Ethiopia ay qaadatay go’aan ay ku xireyso Safaarado badan oo ay ku laheyd dalal badan sababo la xiriira musiibo dhaqaale.

142730cookie-checkEthiopia Oo Xireysa Dhismaha Safaaradeeda Dalka Egypt