Dabley ka tirsan Argagixisada Shababka oo Weerar ku Qaaday Xarunta Gobolka Benaadir

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa kasoo baxaya 3-Qarax goordhow ka dhacay dhismayaasha ku xeeran Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac…

Wararka ayaa sheegaya in Makeeshiyaad Kooxda Shababka ka tirsan ay marka hore Weerareen Mall-ka Mogadishu oo dhabarka dambe ee ku yaal Xarunta Dowladda hoose ee Mogdishu, waxaa jira khasaare xoogan oo dhimasho ah, ilaa hadda rasaastu xoog ayeey u socotaa.

Xoogaga ka tirsan kuwa amaanka iyo Gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa goobta gaaray, si ay u gurmad ugu sameeyaan dadka ay waxyeelada soo gaartay, la soco wixii ku soo kordha.

238400cookie-checkDabley ka tirsan Argagixisada Shababka oo Weerar ku Qaaday Xarunta Gobolka Benaadir