Jamaal Oo Ka Hadlay Khilaafka Kala Dhaxeeya Mas’uuliyiinta Puntland

Somalia news

Wasiirka Qorshaynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo xalay su’aalo lagu weydiiyay kulan ka qabsoomay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay khilaafka isaga iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland..

Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya isaga iyo Mas’uuliyiinta dowladda Puntland uu yahay mid ku salaysan Arrimaha dhaqaale iyo siyaasada oo keliya, isagoo ku eedeeyay iney Dan shaqsi ah culeysyo ku saareen inuu u fuliyo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in mar kasta mas’uuliyiinta Puntland ay kala hadlaan mashaariic ku kooban dana shakhsiyeed, balse aysan kala hadlin wax la xiriira danaha iyo horumarinta Puntland.

142670cookie-checkJamaal Oo Ka Hadlay Khilaafka Kala Dhaxeeya Mas’uuliyiinta Puntland