Guudlaawe Oo Xilal Magacaabay

Somalia news

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilkii ka qaaday Agaasimayashii wasaaradaha Amniga iyo Wasaarada Qorsheynta & Maalgashiga isagoo u magacaabay Agaasimayaal cusub, Agaasimayaasha xilalka laga qaaday iyo magacaabista kuwa cusub..

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilka loogaga qaaday Agaasimihii Wasaarada Amniga Cabdiraxmaan Cabdi Raage wuxuuna xilkaas u magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle si KMG ah, sidoo kale wuxuu Xilka ka qaaday Agaasimihii Qiesheynta Cabdullaahi Maxamed Xasan isagoo xilkaasi u magacaabay Maxamed Muxumed Cabdulle.

144470cookie-checkGuudlaawe Oo Xilal Magacaabay