Dib u Dhac ku yimid Dagaalka Lagula jiro Kooxda Argagixisada Shababka iyo Sababta!?…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Saraakiisha Amniga kuwaasoo qiray in Ciidamada Dawladdu ay dib uga gurteen Magaalooyin iyo Degaanno ka mid ah kuwii ay qabsadeen toddobaadyadii lasoo dhaafay, kadib markii ay guul darro kala kulmeen Degaanka Cowsweyne, iyadoo la eedeeyay Xildhibaano iyo Saraakiil…

Wararka ayaa sheegaya in Laba ka mid ah Saraakiisha Dawladda oo diiday in magacooda la sheego maadaama aysan oggolaansho u haysan inay ka hadlaan hawlgallo xasaasi ah ayaa sheegay in ciidanku ay Isniintii dib uga soo gurteen Ceel Dheer, Masagaway, Budbud iyo Galcad sabab la’aan, waxaana lagu eedeeyay Xildhibaano iyo Saraakiil horey uga tirsanaa Maamulkii Farmaajo.

Ilo wareedkaan ayaa intaasi raaciyay in Agaasimaha NISA iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada ee Derajada 2-aad oo diyaarad Helikobtar ah la socdeen una qorsheysneyd iney ku degaan Degmada Ceel dheer hawada laga celiyay, waxeyna ka mid ahaayeen Wafdi hordhac ah oo Madaxweynaha ka horeeya.

Waxaa shaki ku jirin in Habacsanaan iyo koox so hoose ula shaqeeya Kooxda Argagixisada Shababka ay Xilal muhiim ah ka hayaan Maamulka Xasan Gurgurte ku darsoo waxaa si dheer qorshe iyo Stratejiyad xumo ay wehliso dhanka dejinta dagaal gelinta, iyadoo ay sii dheer tahay is aaminid la’aan Ciidamada dhexdooda waxaana loo baahan yahay in dib u habeyn.

274550cookie-checkDib u Dhac ku yimid Dagaalka Lagula jiro Kooxda Argagixisada Shababka iyo Sababta!?…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com