Maxaa Xiligaan Keenay Ka Doodista Guurka & Kufsiga

Somalia news

Baraha Bulshada ayaa maalmahaan waxaa ka tagnaa dood adag oo gundhigg looga dhigay “ Labada Isqaba ma is Kufsan karaan”, Caadiyan ma nihin dad caado u leh waxa ay ka doodayaan ku saleeyaan Run, feker iyo raad raac taariikheed, balse Ujeedada ka dambeysa ayaa ah sidii loo dhaawici lahaa Dhaqanka Suuban Shacbiga Soomaaliyeed…

Dumar badan oo Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay Fatxiya Cabsiiye waxey sheegtaan iney u dhaqdhaqaaqaan una firfircoon yihiin xuquuqda dumarka. Waa arrin caalamka oo dhan ka oogan, Reer Galbeedka oo ay ka soo baxday baana ugu daran meelaha ay ka shidan tahay ee la isku ciddiyo jabay, waana masalo dabaysha casrigu wadato kana timid xorriyadaha reer Galbeedka ee furfurnaanta (liberalism), gaarnimada qofka (individualism), dheddigoodka (famenism), xorriyadda diinta (religious liberty), xorriyadda sheegista (freedom of speech), xorriyadda jinsiga (sexual freedom) iwm.

Arrimahaa kor xusan oo ah miro ka baxay ilbaxnimada cusub ee reer Galbeedka waxaa jirta awoodo xooggan oo riixaya, kuwo dawladeed iyo kuwo gaar ahba. Asalku waa ilbaxnimada reer Galbeedka oo doonaysa in ay xuquuqda iyo xorriyadda dadka sida ugu sarraysa u bandhigto, laakiin ujeeddooyin aan tiro lahayn baa dhex raacaya ay ka mid tahay furfurista qaab dhismeedka bulshooyinka iyo joojinta taranka xawliga leh ee dadka.

Haddaba dooddan imika Hargeysa ka soo baxday ee ku saabsan sariirta labada is qaba run ahaantii waa dhibaato dhalad ah oo weligeen inna la taallay ayna tahay in aan la sharaysan ama la shisheeyayn. Afar qodob ayayna sida muuqata khusaysaa: 1) In si waafi ah looga hadlo waxna la ga qabto quursiga iyo xadgudubyada kale ee dumarka ku dhaca, taasoo dumarku u arkaan in raggu ogaan isu moogaysiiyo, 2) in la joojiyo in hablaha carruurnimo lagu guursado, 3) in la joojiyo in gabadhu nin ayna doonayn lagu qasbo, 4) iyo tan u dambaysa ee maanta qayladu ka soo yeertay oo ah in lammaanuhu u sinnaadaan doonista iyo xorriyadda sariirta.

Halka Fatxiya iyo Gabdhaha kale ee Dooda wada waxaa ka qaldamay xulashada eraybixinta markii ay adeegsadeen erayga ‘kufsi”, waayo ku ma qummana fahanka waxa la ga hadlayo. “Jujuub”, “qasab” iyo wax la mid ah ayaa kaga habboonaa ujeeddada. Maxaase keenay asalkaba in laba qof oo is qaba gogoshooda eed noocan ahi ka timaaddo? Waa arrin gaar ahaan dhaqankeenna ku salaysan, guud ahaanna dhaqannada dadyowg oo dhan.

Haddaba arrintu maanta u ma baahna buuq iyo olole Galbeedaysan ee wax ay u baahan tahay tarbiyad wanaagsan oo dhallinyarada la siiyo labada dhinacba. Dadku maanta wax bay barteen rag iyo dumarba, waana taa dhallinyaradu meel walba ku hayso sheekada iyo kaftanka loo yaqaan “romantic”. Marka waxa loo baahan yahay waa barbaarin iyo wacyigalin hablahana gooni loo siiyo wiilashana gaarkooda, oo la baro iney ceeb tahay wax ka sheegay dhaqankeena Suuban iyo ku Dhaqanka Diinta Islaamka.

134730cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Ka Doodista Guurka & Kufsiga