Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Heshiiska ay xalay wada gaareen Kooxda Farmaajo iyo Wasiirka 1-aad Ee Dowladda xil gaaraiinta, kaasoo la sheegay in la kala qeybsado Xilalka Wasaarada Amniga iyo Hogaanka NISA, Halka Bashiir Goobe loo balanqaaday inuu noqdo Wasiiru Dowladaha Wasaarada Gaadiidka Cirka Badda..
Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Agaasimaha Cusub Ee NISA loo wado Cabdiraxman Dheere oo ahaa Wasiiru Dowladaha Wasaarada Gaadiidka, isla markaasna ah gacan yaraha Eedeysane Fahad Yasin, Iyadoo la sheegay inuu mugdi sii galaayo Cadaalad u raadinta Ehelada Sarkaaladii NISA Ikraan Tahliil.
Qadar ayaa la sheegay iney Dhaqaale dhan 12-millions US$ ay ugu deeqday Doorashada Somalia ay xayirtay waxeyna ugu Baaqday Mr.Rooble inuu faraha kala baxo Maamulka Hey’adda NISA iyo baarista Kiisaska La xiriira 47- Saraakiil iyo Askar oo la dikay intii uu xilka hayay Adeege Fahad Yasin.