Qarax Miino Oo Sababay Dhimasho & Dhaawac

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo la la beegsaday Gaari ay leeyihiin Shirkadda Turkish ah Ee qandaraaska ku qaadatay Dhismaha Wadada Mogadishu-Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac…

Wararka ayaa tilmaamaya in ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, mid kalena waa uu ku dhaawacmay qaraxa miino ka dhacay meel u dhow Jaamacada Ummadda oo ah wadada Muqdsho uga baxda dhinaca Degmada Afgooye,

Qaraxan oo la sheegay inuu miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala beegsaday gaari qooqan ah oo wadada mareysay, Labada qof ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxa ayey wararku sheegayaan iney ahaayeen dad shacab ah oo wadada marayey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lala beegsaday ay la socdeen qaar ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ah ee wax ka dhisaya laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye, kuwasoo qaraxa ka badbaaday sida wararku nagusoo gaarayaan.

90060cookie-checkQarax Miino Oo Sababay Dhimasho & Dhaawac