Madaxtooyada Oo ku Guuleysatay in Baarlamaanka laga Weeciyo ka Doodista Heshiiskii GWQ..

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa tilmaamaya in Madaxtooyada Somalia ay muddo ku jirtay Dadaalo ay ku dooneysay in heshiiskii madasha wadatashiga Qaran aan la horgeynin Golaha , ee loo wareejiyo Guddiga Dibu eegista Dastuurka ay u hirgashay..

Dhaqdhaqaaqan dhaqaalaha ku baxay ayaa yimid kadib markii ay shalay Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka, Fadhi aan caadi aheyn ay ku go’aamiyeen in guddiga Dibu eegista dastuurka loo diro, lagana baajiyo fadhiyada Xildhibaanada golaha Barlamaanka.

Sidoo kale 7-dii bishaan, Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Sheikh Aaden Madoobe ayaa magacaabay Guddi 5 xubnood ah oo kasocda dhanka Villa Somalia oo kasoo tala-bixiya, kuwaasoo soo jeediyey in guddiga dibu eegista loo diro, Gudoomiyaha Baarlamasnka ayaa ka horyimi in Guddiga dibu eegista Dastuurka ay la wareegaan heshiisyadii madasha wadatashiga Qaran, oo ay sheegeen in ay ahayd talaabo aan sharci aheyn in guddiga lagu wareejiyo, laakiin isla hadda ugu dambeyn, waxay qaateen wareejintaas in ay sharci ahayd.

266320cookie-checkMadaxtooyada Oo ku Guuleysatay in Baarlamaanka laga Weeciyo ka Doodista Heshiiskii GWQ..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com