Damaca Dambiile Fahad Iyo Doorshada Dalka

Somalia news

Tan iyo markii uu xilka qabtay Mr.Farmaajo waxaa aad u soo kordhaayay dembiyada iyo gaboodfalada uu geysanaayo Adeege Fahad Yasin, isagoo adeegsanaaya Dhalinayaro laba kaarlayaal ah, kuwaasoo dilal qorsheysan iyo afduuubyo ka fuliya magaalada Muqdisho iyo degaanada Konfurta Somalia…

Xogo dahsoon oo loo soo gudbiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa tilmaamaya in Dambiile Fahad Yaasin uu dhisay Kooxo qaatiliin ah oo u badan Dhalinyaro ka soo goosatay Kooxda Shababka, kuwaasoo aan ka tirsaneyn Hey’adda NISA iyo Ciidamada Amaanka, balse fuliya awaamiirta iyo qorshayaasha uu u soo gudbiyo Dambiile Fahad, waxaana la sheegay in tiro 20-40 Muwaadin lagu khaarijiyay Magaalada Muqdisho iyo degaanada Konfurta Somalia.

Damaca Dambiile Fahad;-

Xubnaha Sanadkaan ku raad jooga iney ka mid noqdaan Baarlamaanka Somalia ayaa la sheegay inuu ka mid noqon doono Adeege Fahad Yasin, wuxuuna qorsheystay inuu kula tartamo Kursiga Xildhibaan Faarax Cabduqaadir oo isku beel ka soo wada jeedaan, kursigaan oo doorsho degaankiisu tahay magaalada Jowhar, ayaa lagu wadaa iney noqto kuraasta dagaal mindhicireedka ka dhici doona.

Adeege Fahad ayaa sidoo kale damac uga jira inuu hanto xilka Gudoomiye Kuxigeenka Baarlmaanka hadiiba uu Xildhibaanimada ku guuleysto, wuxuuna doonayaa inuu Xasaanad ku gambado Dembiyadii iyo Gabood-faladii uu ka geystay intii uu Xilka NISA hayay, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ayaa ka digay in Xubnaha Dembiyada geystay ay ka mid noqdaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

60310cookie-checkDamaca Dambiile Fahad Iyo Doorshada Dalka