Buurmadow Ma Oday Dhaqmeed baa Mise Oday Argagixisada ah

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in Shaqsiga lagu magacaabo Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland isla markaasna Shaqaale Sirdoon u ah UAE ayaa la sheegay inuu hadda ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, si uu u soo xulo Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Waqooyiga..

Ilo Wareedyo Loo qaateen ah ayaa sheegaya in Mr.Buurmadow uu kulamo la Qaatay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, isagoo xiriir isgaarsiineed la sameeyay qaar ka mid Horjoogayaal ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka, wuxuuna kala hadlay arrimo dhowr ah Oo xasaasi ah, Oo ay u soo dhiibeen Saraakiisha Sirdoonka UAE.

Buurmadow ayaa ahaa in muddo ah ka ahaa Degaanada Burco iyo Hargeysa dibad wareeg kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa isagoo ka hadlaaya xaflad loogu qabtay Magaalada Mogadishu ka sheegay inuu yahay Shaqsiga kaliyah Ee u tacsayadeeyay dilkii Horjoogihii Kooxda argagixisada Shababka Ee duqeynta Mareykanka ku dileen.

Mr.Buurmadow ayaa kulanka ka sheegay in “Siyaasiyiinta ka soo jeeda Waqooyiga Dalka aysan laheyn Hami-siyaasadeed, wuxuu intaasi raaciyay degaanada konfurta ay ka dhisan yihiin laba maamul Oo Dhaqaalaha iyo Maxkamadaha Waxaa maamula Xubno ka soo jeeda Dir Waqooyi halka Maamulka Kooxda Shababka uu Horjooge u yahay xubin Beesha Direed ah, halka MM Nuur oo ku jufo ah Buurmadow uu xubin muhiim ah ka yahay Xoogaga Shababka.

153000cookie-checkBuurmadow Ma Oday Dhaqmeed baa Mise Oday Argagixisada ah