Farmaajo Oo Hormuud u ah Boobka Doorashada

Somalia news

Inkastoo Cadaadis xoogan uu ka soo yeeraayo Musharixiinta Mucaaradka, Odayaasha Dhaqanka, Inta badan Wakiilada Rasmiga ah ee Soo xulaaya Ergada iyo Kooxda la magac baxday Beesha Caalamka, ayaa haddana Waxaa soo baxaaya In Farmaajo uu hormuudka u yahay Boobka Doorashada Dadban…

Inta badan Shacbiga Soomaaliyeed Oo aan laga talo gelin Doorashada ayaa isku raacsan in Codeyntu ay noqoto xaq iyo xalaal ah Oo Hufan, waxeyna aad uga damqadeen in Maxamed Cusmaan Jawaari laga hor istaago inuu u tartamo Kursiga Xildhibaanimo, iyadoo Odayaashii saxda ahaa lagu bedelay kuwo bug ah Oo Kaararka Aqoonsiga la siiyay Sanadkaan.

Farmaajo ayaa hormuud u ah dibindaabyada iyo duminta Hanaanka Dimuqaraadiga ah, iyadoo dejisay in tiro badan oo Musharixiin Xildhibaano ah u qorsheysay iney ka horistaagaan Doorashada laga qabanaayo Degaanada Konfur galbeed, Galmudug iyo Hir-Shabelle.

Midowga Musharixiinta ayaa ku hanjabay iney Qaban doonaan Doorasho iyo Xulista Xildhibaanada iyo dhismaha Dowlad cusub, hadii aan wax laga bedelin Dhaqanka Boobka iyo Afduubka Doorashada ku dhisan, waxaana laga cabsi qabaa in Dalka uu dib ugu noqdo Dagaalkii sokeeye.

153050cookie-checkFarmaajo Oo Hormuud u ah Boobka Doorashada