Maxaa u Hirgalay 200-Maalmood ee Maamulka Xasan Sheekh uu Hogaanka Dalka Hagaayay

Somalia news

200-maalmood ayaa u buuxsamtay Hogaaminta Xasan Sheekh Maxamud ee Madaxtooyada Villa Somalia, kafib markii mar 2-aad la doortay 15-kii May Sanadkaan, ayaan darrase inta badan Shacbiga Soomaaliyeed rajadii ay ka qabeen ayuu siyaasigaan ka hoose maray kadib markii uu ku mashquulay inuu Xisbigiisa iyo Taageerayaashiisa ku tixo Xilalka Dowladda…

Dadka dhaliilsan Siyaasigaan 67-sano jirka ah ayaa rumeysan Straatejiyad xumo, Qorshe la’aan ku dhisan laab lakac uu maamlkiisa ku galay gulufka ka dhanka ah kooxda argagixisada, ku darsoo wuxuu niyada ka jebiyay beelo si fudud loo qancin karay, halka kuwo kale uu sad buursi ka badan intii ay xaqa u lahaayeen ku tixay, kuwaasoo aan xitaa qaadin dagaal balse hub iyo saanad u gacan geliyay Kooxda Shababka.

Talaabooyinka ayaa wadada u xaartay in kooxda argagixisada ay si adag uga fal celiyaan iyagoo weeraro toos ah iyo qaraxyo dhiig badan ku daatay ka fuliyeen magaalooyin ay ka mid tahay Caasimada, waxaana u suurto gashay argagixisadu iney fuliyaan 57-qarax oo ay ku naf waayeen 309-ruux oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan.

Tirakoob la sameeyay ayaa lagu ogaaday iney Mogadishu kaliyah ay ka fuliyeen 26-dilal qorsheysan laguna beegsaday Dad rayid ah, Saraakiil iyo Shaqaale, halka Madaxweynaha uu 18-safar dibada uga baxay xilli ay Shacibku la daala dhacayaan dhibaatada iyo Aafada kooxda argagixisada.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha gudaha ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha inuu dhiiri geliyay adeegsiga Qabiilka, kaasoo waxyeelo badan u geystay Dowladnimada, isla markaasna uu dib u soo nooleyn karo colaada beelaha bacdamaa Beelo loo gacan geliyay Hubkii uyo Saanadii Dowladda, iyadoo ay todobaadyadaan dambe ay soo shaac baxaayeen Xildhibaano iyo Siyaasiyiin adeegsanaaya magacyada Qabiilada halka kuwo kalena dhaliilo u jeedinaayay isla markaasna amaan u jeedinaaya beeshooda kuwo kalena aflagaadeynaaya.

228880cookie-checkMaxaa u Hirgalay 200-Maalmood ee Maamulka Xasan Sheekh uu Hogaanka Dalka Hagaayay