Maxaa Xiligaan Keenay Gaabiska Howlgalada Argagixisada & Saluug laga Muujiyay Hogaanada Siyaasada & Ciidamada

Somalia news

Waxaa gaabis ku yimid Howlgaladii & Duulaankii lagu hayay Kooxda Argagixisada Shababka ee ku sugan Degaanada Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug, iyadoo Dib u dhacaan lagu fasiray Habacsanaan ku timid Howlgalada, Saluug ay Beelaha ka muujiyeen sida ay Villa Somalia wax u wado & baahi dhaqaale iyo Saadka oo Ciidamada….

Inkastoo dadaalo badan ay Maamulka Villa Somalia geliyeen sidii kooxda Argagixisada looga ciribtiri lahaa degaanada kor ku xusan, hadana waxaa farta lagu goday in qeyla dhaanta Beelaha degan labada Maamul ay salka ku heyso Go’aan qaadashada hooseysa ee Hogaanka Dalka uu xilalka Dowladda beelaha u kala sadbuursiiyay, taasoo dhalisay cabasho xoogan oo horseeday in Beelaha ay qabsadaan kulamo loo arrinsanaayo arrimahaan.

Ilo Xogogaal ayaa sheegaya in Beesha Madaxweynaha ay ku dulman yihiin Saami qeybsiga Xilalka Dowladda, Beesha Murusade oo cabasho muddo qabtay joojisayna dagaalka, halka Beesha Xawaadle ay Waxgaradkooda iyo Siyaasiyiintooda ay kulan wada tashi ay uga furmaayo Magaalada Nairobi, ku darsoo Beesha Gaaljecel, Baadicadde, Sacad & Saruur ay saluugeen hananka xilalka Dowladda ay Villa u qeybisay.

Waxaana shaki ku jirin in baaqyada iyo Kulamada wada tashiga ah ee Beelaha kor ku xusan kana soo yeeraya ee ku aadan Xilal qeybsiga cadaalad ku dhisan, hagida Siyaasada & difaaca Dalka uu xiligaan ku dhacayaan Villa Somalia ku darsoo Bisha Juun Sanadkaan waxaa lagu wadaa in Garabyada Xisbiyada iyo Beelaha Mucaaradka ku ah Maamulka Xasan Sheekh ay Magaalada Nairobi ku qaban doonaan kulan balaaran iskana warsan doona Siyaasada & Amaanka Dalka.

Waxaana meesha ka marneyn in Maamulka Villa Somalia uu isku mashquuliyay Safaro dalxiis Dalka dibadiisa ah iyo Mashruuc ay ugu magac daray “Hal $ Dalkaaga ku dhisa” marin habaabin ah, iyadoo sidoo kale uu khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Xisbiyada maamulka (Demu-Jadiid & Daljir), khilaafkaan ayaa sidoo kale dib u dhac ku keenay Hogaanka Xasan Sheekh.

242460cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Gaabiska Howlgalada Argagixisada & Saluug laga Muujiyay Hogaanada Siyaasada & Ciidamada