EU-da Oo Dhaqaale U Soo Celiyay Ciidamada Kenya Ee Ka Howlgala Somalia

Somalia news

Midowga Yurub  iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa Dowladda Kenya u soo celiyay in ka badan 70 boqolkiiba Maaliyadda Ciidamada la dagaallamaya Kooxda argagixisada Shabaabka ee Somalia, kadib markii QM ay kordhisay ka bixista muddo shan bilood ah…

Hanti-dhowrka guud ee Kenya ayaa sheegay in ku dhawaad Sh1.85 bilyan ay ka heleen howlgalka Amisom, saddex bilood gudahood illaa September, taasoo ka dhigan 74 boqolkiiba iney helayaan miisaaniyad sanadeedka ilaa bisha June 2022-ka, Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Somalia iyo saaxiibadeeda inay ka shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa jawi siyaasadeed iyo amni oo wanaagsan oo doorasho loo dhan yahay lagu qaban karo.

Dowladda Kenya ayaa Dalka Somalia u dirtay 4,660 askari oo katirsan Ciidamadeeda si ay qeyb uga noqdaan Ciidamada AMISOM, kadib weerarro aan kala joogsi lahayn, dilal iyo afduubyo ay Kooxda argagixisada Shabaabka u gaysteen dad rayid ah oo ku sugan dalkeeda.

155480cookie-checkEU-da Oo Dhaqaale U Soo Celiyay Ciidamada Kenya Ee Ka Howlgala Somalia