Ma Dhabaa in Gudoomiyihii Doolow Lagala degay Diyaarad lana xiray

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Afduub iyo xarig loo geystay Gudoomiyihii Degmada Doolow ee Gobolka Gedo Mr.Iman Caddow Kaarshe lagala degay Diyaarad laguna xiray magaalada Doolow…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Iiman Caddow Kaarshe oo xiliga la qabanaayay la sheegay inuu ku sugnaa Garoonka diyaaradaha magaalada Doolow, isagoo doonaayay inuu Hooyadiis oo xanuunsan u soo qaado Isbitaalada magaalada Mogadishu, waxaana lagu eedeyay Xariga Gudoomiyaha Jiis-Mareexaan.

Wasiirka Ganacsiga Galmudug Cabdilatiif Cabdullahi Warsame ayaa qoraal cabasho ah uu soo saaray si adag uga hadlay Xariga loo geystay Gudoomiyaha Doolow wuxuuna sheegay ”in Xiligaan adag kala guurka ah uu Dalku ku jiro gaar ahaan Beesha Sade oo mataalaadeedii ay Baarlamaanka Federaalka Somalia ku laheyd ay laalan tahay qarkana u saaran tahay ineysan ka qeyb galin Doorashada Madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in aan la aqbli karin in Gudoomiyaha Degmada Doolow lagala dego Diyaarad si sharci darro ahna lagu xiro, isagoo xiligaasi waday Hooyadiis oo xanuunsan, horeyna Qarabadiisa iyo Odayaal ku beel ah lagu xiray magaalada , isagoo ku baaqay in deg deg loo siidaayo.

187030cookie-checkMa Dhabaa in Gudoomiyihii Doolow Lagala degay Diyaarad lana xiray