Dabley Hubeysan Oo Imaam Masjid Xalay ku Dishay Magaalada Muqdisho

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dabley Hubeysan oo Imaam Masaajid falkaasoo xalay ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Benaadir, iyadoo sidoo kale tiro 8-Qarax xiligii Afurkii ay Maleeshiyaad ku weerareen Degmooyin ka tirsan Gobolka Benaadir…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Dableydaan hubeysn ayaa ka dhacay taleefoon uu watay, Marxuum Cabdi Cubeyd oo mu’adin iyo Imaam ka ahaa Masjid uu waqfay Aabihiis Cubeyd, Saraakiisha Laamaha Amaanka ayaa goobta gaaray, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku  aadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka, balse aysan ku guuleysan inay soo qabtaan.

Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Wadajir ayaa ah degaanada ugu amniga xun Gobolka Banaadir, waxaana inta badan dadka ku dila unugyo Daacad u ah Kooxda Shababaka, Ciyaal weero iyo kooxo burcad ah oo dhac geysanaya.

Dhanka kale waxaa xalay xiligii Afurkii qeybo ka mid ah Magaalada Mogadishu laga maqlay tiro ilaa 8-Qaraxyo ah dadku u maleenayeen Hoobiye & Bambooyin Dheemish ah, waxayna qaraxyadaasi khal khal galiyeen Shacbiga Magaalada oo xiligaasi ku guda jiray Afurka.

249850cookie-checkDabley Hubeysan Oo Imaam Masjid Xalay ku Dishay Magaalada Muqdisho
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com