Qarax Ka Dhacay Magaalada Jowhar & Khasaare Uu Geystay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Jowhar Ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya Qarax la la beegsaday Xildhibaano ka tirsan Golaha Degaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle, kaasoo la sheegay inuu geystay dhaawacyo kala duwan..

Wararka ayaa sheegay in Qaraxaan uu ka dhacay Xaafada Kulmis ee Magaalada Jowhar, waxaana ku dhaawacmay laba Xildhibaan Oo magacyadoodu lagu kala sheegay Mr.Cumar Maxamed Cumar, Mr.Yuusuf Cabdulqaadir Karaani iyo Oday ka mid ah kuwa degaanka, iyadoo Warar aan la xaqiijin ay sheegeen inuu ku geeriyooday Qof Rayid ah.

Iyadoo Xaalad Caafimaad Ee Oday Dhaqmeedka iyo Labada Xildhibaan ayaa Warar kala duwan laga soo sheegaya, inkastoo Xoogaga Amaanka ay isku gedaameen goobta uu qaraxa ka dhacay, falkaan ayaa lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka.

155510cookie-checkQarax Ka Dhacay Magaalada Jowhar & Khasaare Uu Geystay