Somaliland oo Xabsiga dhigtay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee DFS

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Howlgal ay Xoogaga Amaanka garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa ay ku qabteen Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee dowladda Somalia, Maxamed Cumar Carte Qaalib, iyagoo ku xiray garoonka diyaaradaha, kaddib markii uu ka dagey…

Maxamed Cumar Carte, ayaa bishii October ee sanadkii 2020, cafis ka helay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaddib markii uu iska casilay xubinimadii Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad ee DFS, Is-casilaadiisa ayuu Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore u sababeeyay booqashada Aabihiis oo ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa, oo ugu dameyn geeryooday.

Lama oga sababta keentay xariga Ciidanka Somaliland ee Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee DFS, balse wuxuu imaanayaa xilli dhowaan uu Madaxweynaha Somaliland soo saaray wareegto uu ku sheegayo inaan cafis dambe loo fidin doonin dadka ka soo jeeda Somaliland eek a qeybgala Siyaasadda Dowladda Federaalka uuna ku amray laamaha amniga in xabsiga la dhigo, marka ay kusoo laabtaan degaanka.

156080cookie-checkSomaliland oo Xabsiga dhigtay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee DFS