Safaarada USA Ee Mogadishu Oo Fariin Toos Ah U Dirtay Maamulada

Somalia news

Safaarada Mareykanka ee Magaalada Mogadishu ayaa fariin qoraaleed Oo Dhanka Twitter-ka kuna saabsan Qabashada Xuluashada dadban si deg deg ah u dirtay Mas’uuliyiinta Maamulada Gobolada (Dowlad Goboleedyada), iyagoo culeys ku saaray iney si deg deg ah u soo gabagabeeyaan Doorashada si daahfurnaan ku dheehan tahay lana aqbalsan yahay…

Fariin Qoraaleedka ayaa lagu yiri “waxaan ku boorineynaa Saciid Dani, Axmed Madoobe, Qorqor, Lafta gareen iyo Guudlaawe iney ka fogaadaan dib u dhac kale si deg deg a u soo afjaraan Doorashada dadban si kalsooni ku jiro Hufnaan laguna Wada qanacsan yahay”, iyadoo culeys lagu saaray iney ilaaliya an wakhtiga.

Fariimaha baaqyada Wakiilada Beesha Caalamka ayaa xiliyaan dambe wax saameyn ah ku yeelan Maamulada Gobolada oo qaarkood Dalxiis iyo daaweyn u aaday Dalka Turkiga, waxaana fariintaan lagu xusay in la soo dhameeyo Doorashada dadban in la soo gabogabeeyo inta uusan Sanadkaan dhamaan, mana muuqato in wakhtiga la dhowraayo.

156040cookie-checkSafaarada USA Ee Mogadishu Oo Fariin Toos Ah U Dirtay Maamulada